Dacwad oogayaasha Talyaaniga oo baaraya Khilaaf ka taagan safaarada Soomaaliya ee Roma

by admin | Sunday, May 1, 2022 | 588 views

Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga ayaa baaraya khilaaf soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta Soomaalida oo ku saabsan gacan ku haynta safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay degmada Prati ee magaalada Rome.

Loolanka dhanka awoodeed ee dublamaasiyiinta ayaa soo bilowday 7-dii April markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay u yeertay safiirkeedii, isla markaana ay u magacawday Sii hayaha Safaaradda Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur.

Safiirka Maxamed C/raxmaan Sheekh Ciise, ayaa isla markiiba ku gacan seyray go’aanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wuxuuna ku dooday in Safiirka cusub ee loo magacaabay Safaaradda uu noqdo mid ka yimaada gudaha Safaaradda.

Ciise waxa uu safaaradda madax ka ahaa  muddo afar sano ah

Warqad qoraal ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u dirtay dhiggeeda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Maxamed C/raxmaan Sheekh Ciise uu waqtigiisa ku ekaa 28-ka March.

Magacaabida Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur ayaa ku soo beegantay todobaad ka hor inta aan la dhaarin baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana  Axmed C/raxmaan Sheekh Nuuruu horay u soo noqday Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Lusaka, wuxuuna ka duulay Muqdisho dhamaadkii bishii March si uu ula wareego Safaaradda.

Ciise waxa uu sheegay in aan si rasmi ah loo soo ogeysiin siihayaha bedelayo, isla markaana  uu si lama filaan ah ku yimid caasimadda Talyaaniga. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay tahay wax caadi ah in safiir xilka laga qaado maadaama dowlad cusub la dooranayo.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa ku andacoonaya in Sheekh Nuur oo ay wehlinayeen  labo saaxiibbadiis ah oo Muqdisho ka tegay ay ay gudaha u galeen. Safaaradda kadibna ay u diideen safiirka iyo xubnaha shaqaalaha inay gudaha u galaan dhismaha, isla markaana  ammaankiisa safiirnimo uu halis ku jiro.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur uu adeer u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxayna ka dhawaajisay in khilaafka dublamaasiyiinta uu salka ku haayo khilaafka  u dhaxeeya kooxaha  kala duwan ee ku loolamaya Soomaaliya.

Cali Abuukar Xayo oo ah qareenka u doodaya safiirka xilka laga qaaday ayaa warbaahinta Talyaaniga u xaqiijiyay in dacwad oogayaasha ay ku howlan yihiin kiiskan, isla markaana uusan ka hadli doonin wax intaas ka badan oo ay ku ixtiraamayaan baaritaanka furan.

Like it? Share it!

Leave A Response