DFS oo sheegtay in Shaqada laga Eryay Safiirkii u joogay Roma kuna eedeysay Maamul xumo

by admin | Sunday, May 1, 2022 | 519 views

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay qoraal rasmi ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga 02 bishii hore ee April taas oo lagu soo celiyey safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalkaas Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, laguna magacaabay  Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur, oo ah diblomaasiyiinta Wasaaradda kuwooda ugu khibradda badan, asagaana ah Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Rome inta laga soo magacaabayo Safiir cusub.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Safiirkii hore, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, uusan laheyn wax waajibaad shaqo oo diblomaasiyadeed ee loo igmaday, sidoo kalena kuma leh wax kaalin shaqo ah bahda Diblomaasiyadda Soomaaliyeed, isla markaana uu xilligan yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Talyaaniga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dhowr jeer u yeertay Safiirkii hore inuu dalka dib ugu soo laabto si wax looga weydiiyo hab-dhaqankiisa shaqo, muwaadiniinta lagu dhibaateeyey dalka Talyaaniga, eedaha laga soo gudbiyey ee ku saabsan ku takrifal awoodeed iyo maamul xumo dakhliga Safaaradda, balse wuu diiday dhammaan baaqyada loo diray, kuwaas oo qaar ka mid ah ku taariikhaysnaayeen 11/12/2021 , 27/12/ 2021, 09/01/2022 , 17/03/2022, 28/03/2022 iyo 02/04/2022.

Qoraallada sare waxay caddayn u yihiin in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS qaadday wax walba oo lagu xallin-karay amar-diiddada danjirihii hore, balse lagama maarmaan noqotay in la maro jid walba oo lagu ilaalinayo danaha Soomaaliya, sidoo kalana lagu dhowrayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya JFS iyo Jamhuuriyadda Talyaaniga ee aan saaxiibka nahay.

Dhanka kale, wararka lagu faafiyay Warbaahinta Talyaaniga ee tibaaxaya in Safaaradda Soomaaliya afgambi ka dhacay, waa wax kamajiraan aan sal iyo baar midna lahayn, kuwaas oo ay faafiyeen danjirihii hore iyo shakhsiyaad leh dano gaar ah, iyagoo ku howlan in ay dhaawacaan xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Jahmhuuriyadda Talyaaniga.

Danjirihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, waxaa lagu amray in uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga u celiyo taariikhdu markii ay ahayd 06/04/2022 Aqoonsiga diblomaasiyadeed (Diplomatic Card), ilaa iyo haddana wuu diiddan yahay, taas oo tilmaan u ah dhammaan eedaha loo soo jeediyey oo meel ka dhac ku ah curfiga Diblomaasiyadda.

Jaaliyadda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga waxaa lala socodsiinayaa in Safaaraddu howsheeda si caadi ah u socoto, looguna adeegi doono si degdeg ah.

Like it? Share it!

Leave A Response