Dad Shacab ah oo lagu dilay degaan katirsan Gobolka Mudug

by admin | Friday, Feb 18, 2022 | 580 views

Maleeshiyaad hubeysan ayaa laba qof oo Shacab ahaa waxaa ay ku dileen Deegaanka Saaxo ee Gobolka Mudug, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Maleeshiyaadka dilka geystay ayaà ka yimid dhinaca Deegaanka Galiinsoor ee Gobolka Galguduud sida wararku sheegayaan, wuxuuna dilla salka ku hayaa aanooyin qabiil.

Dadka kunool degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug ayaa waxaabay sheegeen inay soo wajahday cabsi ku saabsan inay sii korshaan falalka dilalka ee la xiriira aanooyinka qabiika.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa degaannada Maamulka Galmudug kusoo kordhay dilalka iyo dagaalada la xiriira qabiilka, iyada oo madaxda Galmudug aysan waxba ka qaban.

Like it? Share it!

Leave A Response