Ciidamo diyaarado lagu geeyay Beledweyne & Fahad Yaasiin oo ku wajahan

by admin | Friday, Feb 18, 2022 | 490 views

Diyaarad sidday Ciidamo la sheegay inay yihiin ilaalada gaar ah ee Fahad Yasiin Xaaji Daahir kana ambabaxday Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Beledweyne, kuwaas oo horudhac u ah Fahad Yaasiin oo ku wajahan Magaalada Beledweyne.

Fahad Yaasiin ayaa u sharaxan kursiga HOP#086 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir, wuxuuna kursigaas kamid yahay kuraas doorashadooda la qabanayo 20-ka Bisha oo ku beegan Maalinta Axadda ah ee soo socota.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidanka laga dejiyay Garoonka diyaaraha Beledweyne loiga qaaday dhowr Gaari oo kuwa dagaalka ah, kuwaas oo la geeyay qeybo kamid ah Magaalada Beledweyne.

Sidoo kale Waaberigii hore ee saaka ayaa waxaa Magaalada Beledweyne la geeyay Ergadii dooran laheyd Fahad ayaasiin kuwaas oo la dajiyay goob amnigeeda aad loo adkeeyay oo ku taalla aga- gaarka xerada Amisom qeybta Afaraad ee ku taalla deegaanka Ceeljaalle.

Ugu dambeyn maalinta Axadda ah ayaa loo badinayaa in Fahad Yasiin uu Beledweyne gaari doono si doorashada kursiga uu u sharraxanyahay oo la sii saadaalinayo in uusan tartan badan ka dhaci doonin uu qaato.

Like it? Share it!

Leave A Response