Howlgal ka dhan ah Kooxaha Burcadda oo laga sameeyay Sh/Hoose

by admin | Friday, Feb 18, 2022 | 391 views

Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo ay wehlinayaan Ciidamada Daraawiishta dowlad  Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo ka dhan ah Burcadda hubeysan ee dadka dhaca u geysanaya waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ay hoggaaminayaan Taliyaha Ururka 64aad Guutada 7aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Cali Cabdulaahi (Halac) iyo Taliyaha Daraawiishta Dagmada Wanlaweyn Cali Juu ayaa laga sameeyay tuulooyinka, Warta Bula Caday,  Warmuusow,  Dhiiktaare,  Garfaale iyo kuwa kale oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose

Taliyaha Ururka 64aad Guutada 7aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Cali Cabdulaahi (Halac) ayaa sheegay in  howlgalkaasi uu si guul ah ugu soo dhamaaday, isla markaana ay siiwadayaan inta Amniga deegaanka si buuxda looga xaqiijinaayo.

Taliyaha ma sheegin dad ay kusoo qabteen howlgalkaas, balse uu sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay kadib cabasho kasoo gaartay dad Shacab ah ee dhac loo geystay.

Todobaadkaan ayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed waxaa ay dhowr jeer sameeyeen degaano hoostaga degmada walanweyn, halkaas oo la sheegay in Kooxo Burcad ah ay dhac ka geeysanayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response