Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & faah faahin laga helayo

by admin | Saturday, Jul 17, 2021 | 282 views

Dagaalka ayaa waxaa uu degaanka Cabdalla Biroole oo 50km dhinaca Bariga uga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ay wehlinayeen kuwa Jubbaland & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland ee degaanka Cabdalla Biroole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaro kala duwan.

Dadka degaanka  Cabdalla Biroole ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaroa ka dhashay dagaalka, hayeeshee aysan weli si rasmi ah u cadeyn karin.

Weerarka, kaddib ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay howlgal ka sameeyeen hareeraha degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Magaalada Kismaayo, iyaga oo baadi goobayay Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Dagaalkaan ka dhacay degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa inta badan degaannada Gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda, kuwa Jubbaland iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response