Baarlamaanka Puntland oo ka shiraya Xeer uu u gudbiyay Madaxweyne Deni

by admin | Saturday, Jul 17, 2021 | 267 views

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland ay kulan ku yeeshaan Xaruntoda Magaalada Garoowe kadib fasax ay ku jireen muddo saddex maalmood ah.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland oo ay horyaalaan Shaqooyin dhowr ah ayaa waxaa ay Maanta ka doodi doonaan Hindise-xeereedka dhawrista goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo Madaxweynaha Puntland u soo gudbiyey.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa la filayaa in dood dheer kadib ay ansixiyaan xeerkan dhawrista goobaha Taariikhiga ah, kaas oo la sheegay in uu muhiim yahay.

Xeerka  dhawrista goobaha Taariikhiga ah ayaa waxaa horay akhriska labaad u mariyay guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, Warfaafinta iyo isgaarsiinta ee golaha, iyada oo manta la filayo in la ansixiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response