Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo & faah faahin laga helayo

by admin | Friday, Oct 7, 2022 | 317 views

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada luuq ee Gobolka Gedo.

Dagaalka oo socday ku dhawaad saacad ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisin Ciidanka dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaano xero kowaad oo ah afaafka hore ee laga ilaaliyo buundada degmada luuq.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana khasaaro uu kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga degmada luuq ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ku doonaysey in ay ku waxyeelayso ciidamada, balse xogta oo ay heleen ay kaga hortageen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada luuq ayaa sheegaya in xaaladdu ay saaka tahay mid dagan, isla markaana isku socodka dadka Gaadiidka iyo Ganacsiga ay yihiin kuwo si caadi ah u Shaqeeynaya.

Like it? Share it!

Leave A Response