Toogasho saaka lagu fuliyay Askari dilay Taliyihiisa

by admin | Friday, Oct 7, 2022 | 329 views

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho saaka ku fulisay Xidigle Cabdi Naasir Daa’uud Sheikh Hassan oo hore u dilay Taliye Ururkiisii Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye 29 Bishii la soo dhaaftay ee September ee  Sanadkan 2022.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa horay ugu eedeysay xidigle Cabdinaasir in uu ka baaqsaday safar dhinaca dhulka ah oo ay geli lahaayeen Ciidamada uu katirsanaa, balse isaga uu ku doodayay in xaquuqdiisii mushaarka uu waayay.

Dood dheer kadib Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dhawaan xukun dil toogasho ah ku riday, ugu dambeena saaka lagu fuliyay, iyada oo leysku dhinac aasay isaga iyo taliyihiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response