Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo

by admin | Sunday, Jan 24, 2021 | 304 views

Dagaalka oo geystay khasaaro  kala duwan ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Jabuuti oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ,waxaana uu ka dhacay degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiran.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka ay xalay saqdii dhexe weerareen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad saacad.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen dhinacyada dagaalamay, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo dad Shacab ah kasoo gaaray dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM & kuwa dowladda ee degmada Jalalaqsi weli kama hadlin  dagaalka, hayeeshee Al-Shababa ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka ee taageera waxaa ay ku sheegteen in weerarkaas ay ku dileen askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka ayaa waxaa inta badan ka dhacay dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa AMSIO moo dhinac ah & Al-Shabaab, waxaana dagaaladaas barbar socda duqeymo ay fuliyaan diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka.

Like it? Share it!

Leave A Response