Shil khasaaro sababay oo ka dhacay Dhuusamareeb

by admin | Saturday, Jan 23, 2021 | 347 views

Shilkan oo sababay khasaaro nafeed iyo m id hantiyadeed ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta dowladda Hoose ee Magaalada dhuusamareeb, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gaari Ciidan nooca ay Soomaalida u taqaano Cabdi bilaha iyo gaari yar oo Gobolada dhexe looga yaqaano dhikilada ay isku dhaceen, waxaana dhaawac culus uu kasoo gaaray shilkaas Haweeneey, taas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa shilkaasi uu burbur xoogan kasoo gaaray labada gaari ee isku dhacay, iyada oo dadka ku waxyeeloobay shilkaais ay u gurmadeen mas’uuliyiinta Maamulka degmada & Bulshada Magaalada.

Shilalka Gaadiidka ayaa bilihii la soo dhaafay kusoo badan degaano ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana ka dhasha khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Like it? Share it!

Leave A Response