Dagaal ka socda degaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

by admin | Friday, Aug 20, 2021 | 255 views

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabab ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Sabiid & Caanoole oo 8km dhinaca Koonfur uga beegan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay saaka aroortii hore weerareen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee degaanka Sabiid & Caanoole.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.
Qaar kamid ah dadka ku nool degaanka Sabiid & Caanoole ayaa sheegay inay weli maqlayaan rasaas goos goos ah, sidoo kale ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka ka dhashay.
Degaanka Sabiid & Caanoole ayaa waxaa uu kamid yahay degaannada istiraatiijiga ah oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya kala wareegeen Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ka dhaca howlgallo ay sameeyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response