Taliska Booliska Gobolka Bari oo beeniyay Warar laga faafiyay

by admin | Friday, Aug 20, 2021 | 261 views

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay Warar lagu faafinayay Baraha Bulshada, kaas oo ahaa in dadka soo galaya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari in Baraha koontorool ee magaalada Boosaaso lacag looga qaadayo, hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in dadka ka soo xagaa noqonayo magaalooyinka oo imaanaya magalada Bosaaso in kantaroolka lacag looga qadaayo si ay iskaga baraan xanuunka karoonaha.

Taliye Xuseen ayaa sheegay in arintaasi aysan waxba ka jirin Umadana lagu jaahwareerinayo qofkii lagu qabtana talaabo cad ay ka qaadi doonan ciidamada Boolisku.

Hadalka Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada booliska Goblka Bari ay Baraha Koontorool ee Magaalada Boosaaso ku baaraan dadka iyo Gaadiidka soo galaya Magaalada.

Like it? Share it!

Leave A Response