Howlgal Isbaaro qaadis ah oo laga sameeyay Gobolka Galgaduud

by admin | Friday, Aug 20, 2021 | 246 views

Ciidamada Amaanka  Maamulka  Galmudug oo isugu jira Booliis, Nabadsugid iyo Millatari ayaa howgal Qorsheysan ku qaaday koox Gaadiid ay leeyihiin Shacab ku heysatay Duleedka Magalada Caabudwaaq.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ganacsatada Magalada ay ka cawdeen in rag hubeysan ay duleedka Magaalada Gaadiidka uga qaadayaan lacago sharci darro ah.

Wasir kuxigeenka Amniga Maamulka Galmudug  Burhaan Xirsi ayaa sheegay in cid walba oo lagu qabto ayada oo isbaaro sharci darro ah dhiganaysa Galmudug ay marsiin doonto Sharciga.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay howlgallada Ciidamada sii wadi doonaan ilaa laga sigeeyo degaannada Gobolka Galgaduud raga hubeysan ee dhiganaya Isbaarada.

Ganacsatada iyo shacabka Magalada Caabudwaaq ayaa soo dhaweeyay howlgalka lagu sifaynayay kooxaha Dhibka ku hayay gadiidka Shacabka, iyaga oo sheegay inay Ciidamada la Shaqeyn doonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response