Dagaal ka socda degaan katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe & faah faahin laga helayo

by admin | Thursday, Dec 1, 2022 | 263 views

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka ayaa saaka ka socda degaanka Nuurdugle oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka kuleeyihiin degaanka Nuurdugle oo dhawaan ay la wareegeen.

Dadka degaanka ayaa ku warramaya inay maqlayaan jugta hubka culus iyo kuwa fud fudud oo labada dhinac ay is weeydaarsanayaan, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka.

Degaanka Nuurdugle ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa uu kamid yahay degaannadii ay mudada badan ku sugnaayeen Al-Shabaab, balse dhawaan lagala wareegay, waxaana halkaasi gacanta ku haya Ciidamo u badan dadka degaanka ee hubka qaatay.

Like it? Share it!

Leave A Response