Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay deegaanka Beergidiid ee gobolka Hiiraan

by admin | Tuesday, Oct 24, 2023 | 108 views

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Beergidiid ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid dhexmaray ciidamo ka tirsan Nabadsugida gobolka Hiiraan iyo ciidamo maleeshiyaad ah oo qaab qabiil u abaabulnaa oo ka careysnaa dad ehelkooda ah oo Saldhiga deegaankaas loogu xiray arrimo la xariira kala dhac gaadiid.

Dagaalka ayaa la tilmaamay inuu yimid kadib markii ciidanka maleeshiyaadka ah ay weerar ku qaadeen Saldhiga deegaanka si ay usoo furtaan dadka ugu xirna Saldhiga, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaas uu ku dhintay hal ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen sadax ruux oo kale.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haatan xaalada deegaanka Beergidiid ay tahay mid degan, islamarkaana odayaal iyo waxgarad ay kala dhex galeen labada ciidan ee dagaalku dhexmaray saakay.

Si kastaba ha ahaatee kala dhaca gaadiid ayaa maalmahii lasoo dhaafay kusoo kordhayay deegaano ka kala tirsan gobolka Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana haatan muuqata in wax ka qabashada arintaasi ay soo faragaliyeen ciidanka dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response