Puntland oo 75 qof u xirtay kufsi iyo dil Gaalkacyo loogu geystay wiil 11 jir ah

by admin | Monday, Oct 23, 2023 | 124 views

Ciidanka Booliiska Puntland ee ka howlgalla magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay 75 qof u xireen kiis kufsi iyo dil ah oo loo geystay wiil 11 jir ah.

Dadka la xiray waxaa ku jira kuwo aad loogu tuhmayo inay ku lug leeyihiin falkan, sida uu sheegay taliyaha saldhigga Galbeed ee magaalada Gaalkacyo.

Labo xiddigle Samatar Cabdulahi Awkax, ayaa sheegay, kiiskaan inuu xilli habeen ah ka dhacay goob kaam ah oo uu ku noolaa wiilka.

Taliyuhu wuxuu sheegay in lasoo xiray dhammaan dadkii ka agdhawaa goobta, si baaritaan loogu sameeyo, loona helo dadka falkaas ka dambeeyay.

Wuxuu sheegay hay’adaha amnigu inay ka go’an tahay in gacanta lagusoo dhigo cid kaste oo falkaas foosha xun ka dambeysay, si caddaaladda loo mariyo.

Dhinaca kale, Hay’adda Puntland u qaabilsan baarista danbiyada hiddasidaha DNA ee Forensic Science ayaa dheecaan ka qaaday marxuumka.

Dheecaankiisa iyo dheecaano kale oo laga qaadidoono eedeysanayaasha ayaa lagu samayn doonaa baaritaan, si kiiska loogu helo caddeymo.

Like it? Share it!

Leave A Response