Maamulka gobolka hiiraaan oo kulan la qaatay hay’addaha Samafalka iyo Kuwa caalamiga ah .

by admin | Monday, Oct 23, 2023 | 148 views

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow masuuliyiin ka’tirsan maamulka Gobalka iyo xubno ka’tirsan wasaarada Gargaarka dowladda Hirshabelle,  oo ka duulayo xaqiijinta Iyo dardargelinta ka jawaabida baahiya Aay qabaan bulshada aay sameeyen daadkii Ku dhuftay magaalada beledweyne ayaa kulan Deg-Deg ah la yeeshay hay’addaha Samafalka iyo Kuwa caalamiga ah , si looga jawaabo xaaladaha Hordhaca ee ka dhashay daadakii sameeyey Shacabka magaalada beledweyne,  iyo fatahaadaha iyo xaaladaha dheeriga ELNINO,  midaas oo digniino dheeri ah laga bixinayo.

 

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo wasaarada Gargaarka dowladda Hirshabelle oo kulanka qeeyb ka aheed  ayaa si wadajir ah uga warbixiyey Xaaladaha guud ee dowlad Gobaleedka Hirshabelle gaar ahaan gobalka hiiraan midaas oo Walwal badan aay ka qabaan shacabka deeganada Gobalka Hiiraan.

 

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sameeyey Dadaalo hordhac ah oo dhiig joojin ah oo aay ugu Muhiimsaneed in shacabka loo sameeyo dib-udajin iyo wacyigelin dheeri ah midaas oo Maamulka Gobolka Hiiraan uu xaqiijiyey.

 

Gudoomiye Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow Ayaa xusay in dadaalka maanta uu xal u yahay Maareeynta dhibaatooyinka dabiiciga ah ee dhici Karo midaas oo kabeeyso hormarinta adeegyada Bini-adanimo si ku dhisan maamul wanaag iyo Daahfurnaan ayadoo Maamulka Gobolka Hiiraan Iyo cid walbo oo kaalin muuqato ka qaadaneeyso In la xaqiijiyo gurmadka aay u baahanyahiin Bulshada aay u heelan yahiin lana soo Dhaweeynayo ayadoo lagu kabayo qorsho Dowladeed.

Like it? Share it!

Leave A Response