Dagaal markale ka dhacay Galgaduud & khasaaro ka dhashay

by admin | Tuesday, Feb 1, 2022 | 569 views

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa markale waxaa uu Maanta ka dhacay degaanka Haraale oo dhanka Galbeed ka xiga degmadda Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo salka ku haaya arrimo la xiriira dul daaqsimeed ayaa daba socday dagaalkii shalay ka dhacay degaankaas, waxaana inta la xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka uu gaaray 20 Ruux, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 kale.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dhinacyada dagaalamay ay kala helayaan gurmadyo kala duwan oo u imaanaya taas oo dagaalka sii xoojisay.

Madaxda Maamulka Galmudug Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay saacadaha soo socda lu bixi doonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response