Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka dhacday Muqdisho

by admin | Wednesday, Feb 2, 2022 | 420 views

Waxaa Maanta Xarunta dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisbo lagu qabtay doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

2: Kursiga Koowaad ee HOP#268 oo ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Cali Xagaa iyo Axmed Muumin Waaliye, waxaana kursiga ku guuleystay Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo kursigaas horay ugu fadhiyay.

Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa ayaa cod gacan taag ah loogu codeeyay kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartami lahaa, wuxuuna helay 98 Cod waxaa ka aamusay Hal ruux.

Kursiga labaad ee HOP267 ayaa waxaa ku guuleysatay Saynab Maxamed Caamir oo 20-kii Sano ee la soo dhaafay kursigaas ku fadhisay kadib markii ay u tanaasushay Sucaado Muumin Maygaag , waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay ay heshay Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir 97 cod laba qof ayaa ka aamusay

Kursiga Saddexaad ee HOP236 ayaa waxaa ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi ( Boqore) oo kursigaan uu ka geeriyooday Aabihiis Cismaan Cilmi ( Boqore) oo Muqdisho lagu dilay kadib markii uu tanaasulay Farxaan Cabdilahi Cali, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay Xildhibaan Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore uu helay 99 cod majirin wax ka aamusay.

Kursiga Afaraad ee HOP269  oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Cabdullaahi Kaamil ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar kadib markii ay tanaasushay Musharax Xildhibaan Buuxo Maxamed Cismaan oo la tartami laheyd, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar uu helay 98 cod mana jirin wax ka aamusay.

Like it? Share it!

Leave A Response