Dagaal qaraar oo udhexeeyo ciidanka Itoobiya iyo kuwa somalida oo kadhacay Doolow

by admin | Tuesday, Sep 26, 2023 | 132 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya iyo ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo magaalada soo galay.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid kaddib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo magaalada gudaha usoo galay ay xirteen waddooyin muhiim ah oo Doolow kuyaalla, waxaana dadka waddooyinkaasi loo diiday in ay maraan kamid ahaa ciidanka dowladda.

Dhanka kale, Ciidamo katirsan dowladda oo loo diiday in ay maraan waddooyinka ay xirteen ciidanka Itoobiyaanka ah ayaa dagaal kala hortagay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo labada dhinac dhax maray.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalkan ka dhashay, waxaana magaalada dib uga baxay ciidankii Itoobiyaanka ahaa ee soo galay, sidoo kale xirtay qaar kamid ah waddooyinka Doolow.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada Itoobiya ku amreen in degmadaasi isaga baxo Korneel Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo kamid ah siyaasiyiinta Gedo, kaa oo shalay warbaahinta u sheegay in ciidamada Itoobiya ugu hanjabeen in magaalada ka saarayaan.

Guriga Barre Hiiraale ka degan yahay degmada Doolow ayaa la sheegay in ay joogaan ciidamo badan oo doonaya in ay difaacaan, waxaana waddooyinka gurigaasi gala xirtay ciiamo badan oo heyb ahaan ku difaacaya Barre Hiiraale.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee maanta soo galay degmada Doolow lama oga in ujeedkoodu ahaa in magaalada ka saaraan Barre Hiiraale iyo in kale, waxa ayna magaalada soo galeen xilli ay xiisad halkaasi ka jirtay.

Like it? Share it!

Leave A Response