Dagaal xadka ku dhex-maray Ciidamada Itoobiya & Suudaan

by admin | Thursday, Dec 17, 2020 | 385 views

Afar askari oo ka tirsan ciidanka Sudan ayaa ku dhintay 12 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay xuduudda Sudan iyo Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha Sudan Cabdulaahi Xamduuk ayaa warbixin ka soo saaray dagaal ciidanka Sudan iyo ciidanka Itoobiya oo ay la socdaan maleeshiyo Itoobiyaan ah ku dhax maray xuduudda Sudan iyo Itoobiya.

Xamduuk ayaa sheegay in fiidkii talaadada ee la soo dhaafay weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidanka Sudan oo ka soo laabtay shaqo ilaalin xuduuda ah kuwaas oo marayay halka lagu magacaabo Jabal Abutiour oo ku talaala gudaha dalka Sudan.

Weerarka waxaa geystay ciidanka Itoobiya oo ay weheliyaan maleeshiyo ayuu lagu yiri qoraalka xafiiska ra’isulwasaaraha waxaana ka dhashay qasaaro naf iyo qalab.

Waxaan salaan u direynaa kuwii shahiiday ee askarta ahaa waxaana u rajeneynaa kabasho dhaqso leh kuwa dhaawaca ayaa qoraalka lagu yiri.

Golaha waiirada ee Sudan waxay adkeynayaan taageerada iyo garab joogsiga ay u hayaan ciidanka qaranka si ay u xiraan meelaha banaan una ilaaliyaan dalka ayuu lagu yiri qaraalka ra’isulwasaaraha.

Dowlada Itoobiya wax war ah kama soo saarin arintan.

Sudan waxay marti galisay qaxooti badan oo ka cararay colaada ka jirta waqooyiga Itoobiya.

Sidoo kale, Sudan waxay iminka hogaamisaa urur goboleedka IGAD.

Like it? Share it!

Leave A Response