Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo

by admin | Thursday, Dec 17, 2020 | 362 views

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray Wafdi ka kooban Wasiiro ka tirsan Galmudug kuwaas oo hordhac u ah  Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo ku wajahan.

Wasiirka Warfaafinta oo wafdiga kamid ah ayaa sheegay in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha halkaasi tegi doonaan, isla markaana looga baahan yahay maamulka degmada iyo Bulshada inay siwyen u soo dhaweeyaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya & Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay ka qeyb-geli doonaan munaasabad lagu caleemo saarayo Maamulka Cusub ee degmada Gaalkacyo oo ay Golaha degaanka doorteen.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa qaban qaabada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya & wafdiga la socdo oo haatan ku sugan magaalada Cadaado oo uu galabta gaaray  halkaas oo ay si wacan ugu soo dhaweeyeen maamulka Degmadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wafdiga waxaa kamid ah Madaxweynaha Galmudug Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug  Cali Daahir Ciid, xubno katirsan goleyaasha dowlada iyo mas’uuliyiin kale,
Like it? Share it!

Leave A Response