Soomaliland oo joojisay Tartanka Kubbada Cagta Gabdhaha

by admin | Thursday, Dec 17, 2020 | 387 views

Wasaaradda Dhalinyaraha iyo Ciyaaraha Soomaaliland ayaa joojisay tartanka Kubadda Cagta Gabadhaha ee Gobolada Soomaliland, kaas oo la filayay in uu Maanta ka furmo Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha Soomaliland Cabdirashiid ceeydiid Yaasiin ayaa ku sheegay sababta ay tartanka u joojiyeen in Diinta Islaamka aysan ogoleyn, sidoo kalena anshax aheyn in Gabdho ay Ciyaaraan kubbada Cagta, isla markaana dadka daawanaya ay rag kamid noqdaan.

Waxaa uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay daawadeen muuqaalo lag duubay Gabadhaha, iyaga oo tababar ku jira, isla markaana Xukuumadda Somaliland aysan aqbaleyn wax ka hor-imaanaya diinta & Dastuurka Soomaaliland.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Guddiyada qabanaya tartanka ay kusoo wargeliyeen, basle ay hor-dhigeen shuruud ah in aan la soo bandhigi Karin muuqaalada Haweenka, balse ay Saxaafadda ay muuqaalo ka duubtat, sidaasina tartanka ku joojiyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response