Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

by admin | Thursday, Dec 17, 2020 | 346 views

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay xalay weerareen Saldhig Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin Jasiirada Kudhaa oo ka tirsan Gobobolka Jubbada hoose.

Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa la sheegay in  uu degaanka Kudhaa ee  Gobolka Jubbada Hoose uu ku dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Ururka Al-Shabaab, waxaana dagaalkaas laga helayaa faah faahino kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kale ay jireen tiro madaafiic ah oo ay is weeydaarsadeen dhinacyada dagaalamay, balse aan la sheegin khasaaro dadka Rayidka ah kasoo gaaray dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan saaka ka heleyno degaanka jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo ay halkaasi ka wadaan Ciidamada Kenya.

Inta badan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, kadib markii ay Al-Shabaab weeraraan Saldhigyada Ciidamada.

Like it? Share it!

Leave A Response