Dastuurka Soomaaliya oo ku dhow in uu dhaco & Xasan Sheekh oo qoraal kasoo saaray{AKHRISO}

by admin | Sunday, Dec 13, 2020 | 407 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in xilligaan laga cabsi qabo in dalka uu noqdo mid Dastuur la’aan ah, isla markaana uu u baahan yahay in la badbaadiyo  hadii, iyada oo aan la ansixin uu dhamaado muddo xileedka Baarlamaanka 10aad uu la dhacayo.

Dastuurka dalka ee dib u eegista ay ku socoto ayaa qorshuhu ahaa in la dhameystiro kadibna afti dadweyne lagu meel mariyo Afartii Sano ee muddo kooban ay ka harsan tahay ee dowladda Madaxweyne Farmaajo, balse aan lagu guuleysan, waxaana hadii aan go’aan deg deg ah lag qaadan ay keeni kartaa in dalka uu dastuur la’an noqodo ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aad u dheer ayaa lagu sheegay in Afartii Sano ee uu xilka haayay ay suurteli weysay duruufo jira iyo sababo amni in Dastuurka la ansixiyoo, balse si loo badbaadiyo uu Baarlamaankii 10aad waxka bedel ku sameeyay qodobka 138aad, kaas oo dib loogu dhigay ansixinta kama dambeysta ah ee dastuurka KMG ah, intaasi kadibna uu saxiixay Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baqay in Baarlamaanka labada Aqal ay isugu yimaadaan kulan wadajir ah oo deg deg ah, kaas oo dib loogu dhigayo ansixinta kama dambeysta ah ee Dastuurka KMG ah, isla markaana Baarlamaanka 10aad uu u gudbinayo waajibkaas  baarlamaanka 11aad si afti daweyne loo qabto.

Hoos KA Akhriso Qoraalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Like it? Share it!

Leave A Response