Saddex qof oo lagu dilay weeraro bambaano

by admin | Sunday, Dec 13, 2020 | 441 views

Qaraxyo kala duwan oo ay fuleyeen Kooxa Hubeysan ayaa ugu yaraan saddex qof ku dilay caasimadda Afghanistan Maanta oo Axad ah, sida Lagasoo xigtay booliska maalin ka dib markii madaafiic fara badan ay ruxeen magaalada Kaabul.

Dhacdada ayaa lagu soo Tabiyay kadib Markii Bambo lagu dhajiyay gawaari gaashaaman ay waqooyiga Kabul ku dilshay laba qof, ugu yaraanna laba qof oo kale ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Ferdaws Faramarz oo ah afhayeenka taliska booliiska ee Kabul.

Faahfaahin dheeraad ah lama helin Cida sheegatay weerarkaan.

Afhayeen Faramarz waxaa  kale oo uu sheegay in xeer ilaaliye ka tirsan dowlada Afghanistan lagu toogtay bariga Kabul. Xeer ilaaliyaha ayaa kusii jeeday xafiiskiisa markii lagu weeraray xaafada Kart-e, sida uu Hadalka udhigay.

Kooxda loogu yeero  Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weeraro badan oo ka dhacay caasimada bilihii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan weeraro argagax leh oo lagu qaaday goobo waxbarasho oo ay ku dhinteen dad gaaraya 50 qof oo u badnaa arday.

Weeraradii maanta ayaa dhaceen maalin un kadib markii mintidiinta IS ay caasimada ku garaaceen madaafiic hoobiyeyaal ah, oo ay ku dhinteen ugu yaraan hal qof oo rayid ah, midka labaadna uu ku dhaawacmay, iyada oo dalka oo dhan ay ka socdaan rabshado.

Kooxda xagjirka ah ayaa ku sheegatay mas’uuliyadda barteeda Bulshada  ee Amaq News, iyaga oo intaa ku daray in ay 10 gantaalada Katyusha ah ku rideen dhanka garoonka diyaaradahaee Hamid Karzai.

Saddex madfac ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha, halka kuwa kalena ay ku soo dhaceen xaafado ka mid ah magaalada, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Afghanistan.

Rabshadaha ka socda Afghanistan ayaa sii kordhayay bilihii la soo dhaafay inkasta oo Taalibaan iyo gorgortamayaasha dowladda Afghanistan ay ku kulmeen Qatar si ay heshiis nabadeed oo soo afjaraan dagaallo tobanaan sano socday .

Like it? Share it!

Leave A Response