DDS oo sheegtay in dib u dejin ay u sameysay 100 kun oo ruux oo ka barakacay dagaalka Laascaanood.

by admin | Sunday, Mar 5, 2023 | 207 views

Wasiirka Xafiiska Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahim oo faah-faahin ka bixiyay qoysaska ka barakacay Dagaalka Magaalada Laascaanood ee gaaray Gobolka Doolo ayaa sheegay in ay dib u dejin loogu sameeyay saddex degmo oo katirsan Gobolkaas.

Wasiir Axmed Yaasiin ayaa tilmaamay in ku dhowaad 100,000 (Boqol kun) oo qoys ay gaarayaan Dadkaan kuwaas oo naftooda kala baxsaday dagaallada ka socda Magaalada Laascaanood oo saameyn taban ku reebay deegaankooda.

Yaasiin ayaa sheegay in 13 goob oo kala duwan oo hoostaga Saddex degmo oo katirsan Gobolka Doolo in ay joogaan qoysaskaan si loo garab qabtana uu maamulku billaabay olole qoysaskaas loogu raadinayo kaalmo la xiriirta waxyaabaha ay u baahan yihiin.

“Dad aad u farabadan ayaa soo gaaray deegaanka gaar ahaan saddex degmo oo kamid ah Gobolka Doolo, waa dad aad u badan oo ku sugan 13 goob, muddadii ay yimaadeen illaa hadda waxaa socda howlgal wax loogu raadinayo, hay’ado kala duwan oo Qaramada Midoobay ah ayaa la kulmay halka Xafiiska uu kaalintiisa ka qaatay, waxa ay gaarayaa 100 kun oo qof waxaana ay kasoo gudbeen Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool” Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahim, Wasiirka Maareynta Khataraha Musiibooyinka DDS.

Dagaalka ka socda Laascaanood ee billawday 6dii Febaraayo 2023 ayaa muddo bil ah galaya berri, waxaa ka dhashay dhimashada dad ka badan 100 ruux, dhaawaca dad kor u dhaafaya 600 oo qof, burbur magaalada soo gaaray & barakaca ku dhowaad 200 oo kun oo qoys.

Like it? Share it!

Leave A Response