Madaxweynaha Puntand” Qeyb kama nihin dagaalka Laas-Caanood

by admin | Monday, Mar 6, 2023 | 207 views

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo markale ka hadlayay dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanood uu yahay mid noociisa aan la arag muddooyinkii dambe marka laag reebo dagaalkii socday mudadka Afarta Bilood ah ee ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanood loo adeegsaday waxkasta oo Shacab meel degan loo adeegsan karo sida, Madaafiicda iyo hubka cul culus, isla markaana Puntland aysan qeyb ka aheyn kana noqon doonin dagaalkaas.

“Puntland qeyb kama aha dagaalka Laascaanood, Waxaanse ku kalsoonahay Shacabka reer Laascaanood in ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan, Kalsooni buuxda baan ku qabnaa, Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cidwalba in aan Nu-danbeed u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaarnahay”

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Shacabka magaalada Laas-Caanood ay yihiin kuwo si kasta loo dhibaateeyay balse uu ku kalsoon yahay inay sharaftooda difaacdaan oo iska celiyaan cid kasta oo soo weerarta.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli saaka markale uu Magaalada Laas-Caanood ka billaawday dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ee la Magac baxay SSC

Like it? Share it!

Leave A Response