Deegaano Cadaado Hoos taga oo laga cabanayo Diyaarado joog hoose ku duulayo.

by admin | Wednesday, Mar 28, 2018 | 1104 views

Deegaano hoos taga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ay dadka deegaanka ay arkayeen diyaarado Dagaal oo Joog hoose ku duulaya.
Diyaaradaha Dagaalka oo ka kooban Hal Miig iyo Saddex Helicopter ayay sheegeen in joog hoose iyagoo ku duulayo ay dul heehaabayaan Deegaano ay kamid yihiin Docoley oo Cadaado hoos tagta.
Cilmi Axmed Aadan (Jabuuti) Gudoomiye Deegaanka Docoley oo la hadlay  warbaahinta  ayaa sheegay in aanan garaneyn halka laga leeyahay diyaaradahaasi, ujeedka ay ka damacsan yihiin Deegaankooda iyo Cid ay ugu dacwoodaan.
Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug waxa uu ka dalbaday in ay dabagal ku sameeyaan diyaaradahaan isla markaana ay la hadlaan Dowladda iska leh.

Gudoomiye Cilmi ayaa tilmaamay in dadka deegaanka ay ku abuureen argagax iyo baqdin la xiriirta suurta galnimada in ay diyaaradahaasi duqeyn ka geystaan deegaanka Docoley.
Xilli Muddo laga joogo ayuu sheegay in mar diyaarado nuucaan oo kale ah ay rasaas ku fureen Goob Xoolo ay ku daaqayeen balse aanan Khasaare gaarsiin Xoolihii iyo dadkii watay, inkastoo uu sheegay in rasaastii ay ridayeen dhir fara badan ay waxyeeleysay.
Maamulka Galmudug kama hadlin Cabashada dadka deegaanka Docoley iyo Deegaanada kale ee hoos taga Magaalada Cadaado ee ah in ay Cabsi ku beereen diyaaradaha Joogga Hoose ku duulaya ee deegaanadooda kusoo kordhay

Like it? Share it!

Leave A Response