Dayax Gacmeed Soo Dhawaaday Oo Lagu Arkay Gobolka Hiiraan

by admin | Wednesday, Mar 28, 2018 | 1374 views

Deegaan dhanka Koofur kaga beegan magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo la yiraahdo Qoryaale oo 25 KM u jira magaalada Jalalaqsi, ayaa lagu arkay arin ugub ku ah gayiga Soomaaliyeed taas oo ah Xaafad dhan oo guureysa.
qaar ka mid ah  dadka  ku nool deegaanadaas  ayaa sheegay   ay     dhacdadaan ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arkeen Muuqaal Xaafad u`eg oo hawada kor kooda ah marayay, muuqaalkaasi Xaafada ah wuxuu ka yimid Jihada Waqoy wuxuuna u soo dhaafay dhanka jihada Koofureed.

Maamulka degmada Jalalaqsi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in xalay la’arkay waxaybo aad u weyn oo iftiimaya maadaama ay aheyd xili habeen ah,isla markaana dadka magaalada ay sheegayeen in ay u arkaan waxyaabo mucjiso ah ama uu ahaa Dayax Gacmeed.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow Waxa uu sheegay in waxyaabahaas weyn magalada ay aad ugu soo dhawaadeen ilaa iyo haddana aan la ogeyn waxa lagu tilmaamo taasina ay cabsi ku abuurtay dadka magalada maadaama ay ahaayeen waxyaabo aan dhawaaqeen ama aan wax cod ah aan laheyn.

” Sidoo Kale Dadka Deegaanka ayaa soo Weriyay in ay Arkeen Magaalo Is wadata oo Dabaqya leh, Ceelal leh, iyo Bad.

 

Like it? Share it!

Leave A Response