Haweeney Sabab La Yaab leh Suuli ugu riday Canug yar ay dhashay{Dhacdo Naxdin leh:}

by admin | Wednesday, Mar 28, 2018 | 1052 views

Wararka laga helayo xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in Haweeney Cunug ay dhashay ku riday Musqul (Suuli).
Dhacdadaan ayaa waxa ay ka dhacday Xaafada lagu Magacaabo Dayax oo ku taalla Magaalada Dhuusamareeb,waxana ka warhelay ama ogaaday dad deris la ah Haweeneyda,iyaga oo Musqusha ka soo saaray Cunugii yaraa.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Cunuga yar Musqusha laga soo saaray,isaga oo miil daboolan,isla markaana la geeyey Isbitaalka Xanaano ee Magaalada dhuusamareeb si xaaladiisa halkaasi loogu baxnaaniyo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb ayaa tegay hoyga Haweeneyda oo aan weli la ogeyn waxa ku kalifay in cunugeeda ay musqusha ku rido,iyada oo dhacdadaas oo ah mid ku cusub Dhuusamareeb  ay aad ula yaabeen dadka ku nool Magaaladaas

Like it? Share it!

Leave A Response