Itoobiya oo Qorshe Halis ah u diyaarisay Al-Shabaab & Xog cusub oo sirdoonka lala wadaagay

by admin | Thursday, Mar 29, 2018 | 1042 views

Hay’adda arrimaha dalxiiska u qaabilsan dalka Ethiopia ayaa tabarbar lagu baranayay sidii looga hortagi lahaa weerarada waxa loogu yeero Argagixisada u qabatay qaar ka mid ah shaqaalaha iyo milkilayaasha Hotelada ku yaalla dalkaasi.
Ku xigeenka hay’adda dalxiiska ee dalkaasi Yechale Mihiret ayaa sheegay in tababarkani u jeedkiisu uu yahay sidii ka qeyb galayaasha lagu bari lahaa  ilaalinta dalxiisayaasha iyo ka hortagida weerar Argagixiso oo lagu soo qaado.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wada shaqeynta iyo isdhexgal dhexmarta dadka ku lugta leh arrimahani ay muhiin u tahay dadaallada nabadeed iyo ilaalinta dalxiisayaasha soo booqaanaya dalkaasi Ethiopia.

Dhanka kale Kaaliyaha taliyaha Booliska federaalka ah Ethiopia Muluwork Gebre oo ka hadayay Munaasabaddaasi ayaa sheegay in kooxaha Argagixisadu ay weeraraan kaabayasha dhaqaalaha marka la fiiriyo weerarada ay caalamka ka geystaan.
Mr Gebre ayaa intaasi ku daray daraasad laga sameeyay goobaha ay weerarada ka geystaan kooxahaasi Sanadii 2014-kii ay muujineyso in ay bartilmaameedsadaan 23% kaabayasha dhaqaalaha halka 20% ay weerareen dalxiisayaasha dalalka Caalamka.

Si kastaba ha’ataa Al Shabaab ayaa weeraro ka geysanin Ethiopia, marka laga reebo weerarada ay ku qaadaan fariisimaha Ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response