DEG DEG:- Dagaal ka socda Magaalada Beledweyne

by admin | Friday, Dec 4, 2020 | 437 views

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka halkaasi uu ka bilaawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaadka uu hoggaaminayo Janeraal Xuud  oo garab ka helayo dhalinyaro iska dhex abaabulay Beledweyne oo diidan in uu Beledweyne tago Madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Janeraal Xuud oo ka yimid dhinaca degaanka Ceel-gaal ay la wareegeen qeybo kamid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-taako iyo aga-gaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, kadib markii ay ka warheleen in Maanta uu Beledweyne ku wajahan yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Khasaare kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in dagalka uu ka dhashay, isla markaana dhaawacyo la geeyay Isbitaalka Magaalada Beledweyne, sidoo kalena weli la maqlayo rasaas goos goos ah oo dhaceysa.

Ciidamo isugu Boolis Nabadsugid iyo Ciidanka Millateriga ayaa ku sugan qeyb kamid ah magaalada Beledweyne, waxaana Xaafadaha qaar ee Magaalada Beledweyne ka bilaawday banaanbax ay dhigayaan dad taageersan qorshaha Janeraal Xuud.

Like it? Share it!

Leave A Response