Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray Beledweyne{sawiro}

by admin | Thursday, Dec 3, 2020 | 340 views

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha gudaha iyo faderaalka ee xukuumada Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa  gaaray  Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyn ekusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan, Odayaasha Dhaqanka degmada Beledweyne & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wafdiga wasiirka ayaa ujeedka ay u tageen Magaalada Beledweyne waxaa lagu sheegay xal ka gaarista khilaafka u dhexeeya maamulka cusub ee Hir-shabeelle iyo tabashada ay qabaan qaar kamid ah Bulshada gobolka Hiiraan oo uu kamid yahay Sarkaalka lagu Magacaabo Janeraal Xuud oo maleeshiyaad ku heysta duleedka Magalada Beledweyne.

Wasiirka ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa waxgaradka iyo odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ka biya diidsan qaabka loo dhisay Maamulka Hir-shabeelle.

Wararka kale ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiirka uu heshiis nabadeed u raadin doono Arrinta diidmada ah ee ka timid Janeraal Xuud ee sababtay in dhowr jeer uu Madaweynaha Hir-Shabeelle ka baaqdo safar uu ku tegi lahaa Beledweyne.

 

Wasiir Jeneral Mukhtaar ayaa la filayaa inuu isku dayo inuu arrintan xal u helo, isaga oo kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka beesha ay kasoo wada jeedaan isaga iyo Jeneral Xuud.

      

Like it? Share it!

Leave A Response