Deg Deg :Diyaarad goordhaw ku dhacday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde{sawiro}

by admin | Tuesday, Jul 11, 2023 | 173 views

Waxaa goordhaw diyaarad rakaab siday ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan khasaaro ka dhashay shilkan goordhaw dhacay.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa u gurmaday diyaarada shilka gashay waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan dhaawacyo shilkan ka dhashay oo goordhaw loo qaaday isbitaalo kuyaalla magaalada Muqdisho.

Diyaaradan goordhaw ku dhacday garoonka Aadan Cadde ayaa lagu soo waramayaa in ay ka timid magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, waxaana la socday rakaab kusoo jeeday Muqdisho.

 

Waxii warar ah ee kusoo kordha shilkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Like it? Share it!

Leave A Response