Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo war murtiyeed kasoo saaray khilaafka doorashada Puntland

by admin | Tuesday, Jul 11, 2023 | 196 views
Raysal wasaaraayashii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta soo saaray talo soo jeedin ku aadan habka loo wajahayo doorashooyinka Puntland.

Talo soo jeedintooda waxay ku sheegeen in aan xilligan jirin sabab loo furo dastuurka Puntland. Waxay kaloo sheegeen in ay muhiim tahay in ilaaliyo doorashada madaxweynaha Puntland oo ay ku dhacdo waqtigeedii 8 January 2024.

Raysal wasaarihii hore ee dalka, iyo madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, ayaa sheegay inay ku baaqeen in la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan in la badbaadiyo dimuqraadiyadda Puntland.

Waxa uu sheegay inay talo ahaan usoo jeediyeen in sagaalka urur siyaasadeed ee hadda jira ay sidooda ku noqdaan xisbiyo ku siyaasadeed oo tartama doorashada madaxweynaha Puntland. sidoo kalena musharraxiinta aan ku jirin xisbiyada ay si madax bannaan uga qeyb galaan doorashada.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay dhankiisa inay aaminsan yihiin in baarlamaanka Puntland uu ku yimaado doorashada qof iyo cod ah, marka laga reebo 17-ka xildhibaan ee ka imaanaya degaanada maamulka SSC, kuwaas oo ay ku taliyeen in looga dambeeyo xulistooda garaadada kasoo jeeda SSC.

Raysal wasaaare hore Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in khilaafka jira hadda lagu xalliyo hab dhaqan, balse loo baahan yahay in dhinacyadu ay gaaraan heshiis siyaasadeed oo dhabbaha u xaaraya gaarista dimuqraadiyadda.

Waxay sheegeen inay la kulameen madaxweyne Deni iyo mucaaradka ayna kala hadleen in aanay dib usoo laaban dhibaatadii ka dhacday Garowe, lana muujiyo tanaasul.
Like it? Share it!

Leave A Response