DEG DEG: Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas

by admin | Wednesday, Jan 4, 2023 | 208 views

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba qarax oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay magaalada oo dhan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaan ay ahaayeen kuwa ismiidaamin ah isla-markaana loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxyadan lala beegsaday maqaaxi lagu qaxwweyo iyo goobo ganacsi, isla-markaana uu jiro burbur aad u xoogan.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inay jirto dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxyadaan oo ay durbo sheegteen Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana soconayo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Like it? Share it!

Leave A Response