Ruushka oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay 130 Ruux

by admin | Wednesday, Jan 4, 2023 | 187 views

Afhayeenka asaaradda Difaaca ee Raashiya,
Igor Konashenkov oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay burburiyeen 2 madaafiicda Goobta, ee nooca lagu farsameeyey Maraykanka ee HIMARS, kuwaasi oo qeyb ah Gantaalada loogu deeqay Ciiddanka Ukraine.

Waxa uu tilmaamay in duqeymo lagu burburiyey Gantaalladaasi oo yaallay meel ku dhow Gobalka Donetsk ee Bariga dalka Ukraine.

Ciiddanka Raashiya waxay kaloo Hawlgal Khaas ah ku burburiyeen 3 Madaafiicda Howitzer M777 ee dalka Maraykanka lagu farsameeyey.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda difaaca Raashiya waxa kale oo uu xusay inay in ka badan 130 calooshood-u-shaqaystayaal Shisheeye ah lagu dilay duqeymo ay qaadeen Ciiddanka Cirka oo lagu beegsaday goobo cayiman.

Calooshood-u-shaqaystayaal ayaa la sheegay in lagu dilay meel ku dhow Deegaanka Maslyakovka oo u dhow magaalladda Kramatorsk ee Gobalka Donetsk.

Duqeymahaasi ayaa yimid hal maalin kadib, markii ay Milliteriga Ukraine duqeyn Gantaal ku dileen ugu yaraan 63 askar Raashiyaan ah oo ku sugnaa meel ku dhow magaalladda Makiibka ee Gobalka Donetsk oo ay Raashiya qeybo ka maamulaa

Like it? Share it!

Leave A Response