Ciidamada AMISOM oo is hortaag ku sameyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

by admin | Thursday, Jul 16, 2020 | 381 views

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa  Ciidamada AMISOM ayaa u diiday in uu galo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne xili ay socotay  so dhaweynta Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Maxamed Cabdulaahi Salaad Omaar sida ay Hiiraanweyn u sheegeen dad Goobjoog ahaa.

lama oga sababta rasmiga ah ee  loogu diiday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan in uu ka qeyb galo so dhaweeynta wafdiga Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Wasiir Omaar ayaa Magaalada Baladweyne u yimid  baaris diyaaradii shalay ku dhacday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response