Meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia oo laga soo dejiyay Muqdisho{sawiro}

by admin | Thursday, Jul 16, 2020 | 415 views

Diyaaraddii sidday maydka alle ha u naxariistee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa goordhow timid garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka waxaa ku sugan guddiga qaban qaabada Aaska Qaran ee loo sameynayo marxuumka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Madaxda Qaranka ayaa ku tukan doonta salaada Janaasada ka dibna waxaa loo qaadi doonaa magaalada Garooowe halkaas oo lagu aasi doono.

Wariyeyaasha Madaxa bannaan qaarkood ee ka qeyb qaadan lahaa tebinta warka la xiriira keenista iyo ku dukashada Salaada Janaasadaee meydka Ra Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa laga celiyay Garoonka.

  

Like it? Share it!

Leave A Response