Dekedda Kismaayo oo bilowday dhoofka xoolaha iyo liin dhanaanta

by admin | Friday, Dec 25, 2020 | 327 views

Dekedda magaalada Kismaayo oo kaalin weyna ku leh dhaqdhaqaaqa ganacsiyada ee qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka bilowday dhoofka xoolaha, sisinta iyo liin dhanaanta.
Maareeyaha Dekedda Kismaayo Axmed Xaaji ayaa VOA u sheegay in tilaabadaan u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii sare loogu qaado dhaqaallaha kasoo xarooda dekedda oo maamulka Jubbaland uu ku tiirsan yahay.

Waxaa xusay in dekedda ay kusoo xirtaan maalinkii maraakiib kala duwan oo kala yimaada dalalka Khaliijka iyo kuwaasoo keena badeecooyin kala duwan, isagoo sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo dekedda Kismaayo ay laga dhoofinaayo xolaha.
Tilaabaddaas ayuu tilmaamay in ay fursad u tahay ganacsatada degaanada maamulka Jubbaland oo dhibaato u mari jiray si ay u dhoofiyaan xoolaha.
Waxay noqoneysaa markii ugu horeeysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee dhoofin noocan ah ay sameysay dekedda.
Dekedda ayaa waxaa subax kasta u shaqa taga shaqaalo ka badan afar kun oo qof oo xoogsato u badan.

Like it? Share it!

Leave A Response