Saraakiisha laamaha Amniga Hir-Shabeelle oo hortegay Baarlamaanka

by admin | Saturday, Dec 26, 2020 | 320 views

Kulanka 11aad Kalfadhiga 1aad ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hir-Shabeelle oo uu shir Guddoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed ayaa ajandahiisu ahaa Dhageysiga warbixinada Saraakiisha Hay’adaha  Amniga Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Saraakiisha Kala ah Taliyaha Nabad Sugida Dowlad Goboleedka Hirshabelle Gaashanle Dhexe  Cabdi Kariim Cumar Kulmiye & Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeellaha Dhexe Gaashaanle Aadan Yarow ayaa Maanta Baarlamaanka uga warbixiyey Arimaha Amniga iyo qorshayaasha ku saabsan sugida Amniga.

Kulankaan oo Saxaafada ay Dibad Joog ka aheyd si waafaqsan Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa saxaafada uga faah faahiyey Xoghayaha Guud ee Baarlamanka Cabdiwahiid Maxamed Xussein (Wadaariyaad)

Like it? Share it!

Leave A Response