Duqa degmada Gaalkacyo oo Shaqada laga joojiyay laguna bilaabay baaris{AKHRISO}

by admin | Saturday, Dec 26, 2020 | 318 views

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa shaqa-joojin ku sameeyay Duqa degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, Saahid Maxamuud Cali .

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka dhabancad ayaa waxaa lagu sheegay sababta Sahqa joojinta, kadib markii ay soo baxeen tuhun la xiriira musuq maasuq, sida dhaqaalaha degmada iyo fulinta waajibaad Dastuuri ah ee degmada.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa qoraalkiisa waxaa uu ku sheegay in hanta dhowaha guud ee Puntland uu Guddoomiyaha ku bilaabay baris la xiriirta Musuq maasuq, isla markaana Shaqada xilka guddoomiyaha uu si KMG ah u heynayo Guddoomiye kuxigeenka degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Naasir Cigaal.

Like it? Share it!

Leave A Response