DFS & Bangiga Adduunka oo ka shiray taageerida dadka uu Ayaxa saameeyay

by admin | Tuesday, Nov 16, 2021 | 263 views

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qaybgalay kulan wakiilka bandhiga adduunka ee geeska Afrika, Keith Hansen, madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson iyo saraakiil kale oo bangiga ka tirsan ay la qaateen qaar ka mid wasiirrada wasaaradaha uu ka socda mashaariicdaa uu Bangiga Adduunka taageerro.

Kulanka ayaa inta uu socday arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa Horumarinta mashaariicda Baxnaano, Diiwaanka Mideysay ee Bulshada (USR) iyo taageerrada qoysaska uu Ayaxa saameeyay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa Bangiga adduunka uga mahadceliyay taageerrada uu siiyo shacabka iyo Dawladda Soomaaliya.

“Bangiga Adduunka waa saaxib muhiim u ah Soomaaliya , waxa naga go’an iskaashiga Bangiga inan uga faa’iideysano Horumarinta hay’adaha iyo Bulshada Soomaaliyeed.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab.

Docda kale, mas’uuliyiinta Bandhiga Adduunka ayaa ballanqaaday inay xoojin doonaan taageerrada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa kaalmada ay helayaan Bulshada nugul iyo qoysaska uu saameeyay Ayaxa.

Like it? Share it!

Leave A Response