Xukuumadda oo beenisay in RW Rooble la kulmayo Hoggaanka Ahlusunna

by admin | Tuesday, Nov 16, 2021 | 341 views

Kadib markii Baraha Bulshada lagu faafiyay saacadihii la soo dhaafay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, balse Xukuumadda Soomaaliya ay warkaasi beenisay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaaladda ayaa sheegay in Ra’iisul  Wasaare Rooble uusan u qorsheysneyn la kulanka hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca.

” Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble qorshaha uu u tagay Dhuusa-mareeb kuma jirto in uu wada-hadal la galo Ahlu-sunnada
hubeysan ayuu yiri” Wasiir Alcadaala.

Xubno kamid ah hoggaanka Ahlusunna ayaa waxaa ay ku sugan yihiin degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud, waxaana dhawaan fashilmay wada-hadallo lagu dhex dhexaadinayay, iyaga iyo Maamulka Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response