DFS & Hay’adda IOM oo ka wada-hadlay Gurmadka Abàaraha

by admin | Sunday, Sep 11, 2022 | 416 views

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Haya’adda Socdaalka Aduunka ee (IOM) Amy Pope.

Kulanka oo ay sidoo kale qayb ka ahaayeen, xubno ka tirsan IOM, sida Kristin Dadey, Maxamed Cabdikhayr, Saciid Sheekh Cabdi iyo Frantz Celestin, ayaa looga hadlay kor u qaadista ka jawaabista gurmadka degdegga ah ee Abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Dhinacyadu waxa ay isla-garteen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho xal raadinta mushkiladda abaaraha ee soo noqnoqday, in la fududeeyo socdaalka gargaarka iyo in dunida loogu baaqo degdeg uga jawaabista wax-yeellada ka dhalatay isbeddelka cimilada.

Ergayga ayaa marwo Amy Pope oo wafdigeda IOM, u soo jeediyay in diiradda la saaro sidii looga faa’iideysan lahaa heshiiskii lagu qaaday xayiraadda Ruushka ee dekedaha Ukraine, gargaar miisaan lehna loo gaarsiin lahaa dadka abaartu saameysay, si looga badbaado macluusha daran ee la saadaalinayo.

Ergeyga ayaa si mug leh uga mahad-celiyay kaalinta laxaadka leh ee Haya’adda Socdaalka Aduunka ee (IOM) ka gaysaneyso gurmadka abaaraha iyo guud ahaan iskaashiga iyo wadashaqaynta hagar la’aaneed ee kala dhaxeysa Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay waday xiriiro & wada-hadallo ay la yeelaneysay Beesha Caalamka & Hay’adaha samafalka si wax looga qabto abaarta saameysay dad iyo ee kajirta meelo badan oo dalka Soomaaliya ah

Like it? Share it!

Leave A Response