DFS & maamulka hirshabeele oo baaq ka soo saaray dagaal beeleedka shabeelaha dhexe

by admin | Monday, Sep 12, 2022 | 238 views

Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib U Heshisiinta Soomaaliya ayaa Baaq Nabadeed u dirtay Beelaha ku dagaalamaya qaybo ka mid ah deegaannada hoos yimaada degmooyinka Raagaceele iyo degmada Cadale ee gobolka Shabeelada dhaxe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Sidoo kale waxaa ay Wasaaraddu ugu baaqday Odayaasha Dhaqanka, iyo Waxgaradka deegaanka inay ka shaqeeyaan joojinta colaadda dhex martay walaalaha labadaasi deegaan.

Ugu Dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS waxay si gaar ah ugu boorisay walaalaha ay dirirtu dhax martay inay is xakameeyaan, kana fogaadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay Joojiyaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya deegaano hoosyimaada Degmooyinka Raage Ceelle iyo Cadale in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan dirirtaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ayaan darro wayn ay tahay oo aan la aqbali karin in waqtigaan la joogo dad walaalo ah ay dhexmarto colaado sokeeye iyadoo deegaanadeena qaar kamid ah uu cadow argagixiso ah haysto, abaaro ba’anna ay ka jiraan.

Madaxweynaha ayaa faray Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulka Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan, Waxgaradka iyo Culuma’uudiinka in ay ku baxaan oo ay joojiyaan colaadaas, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah la isugu yimaado gogol dib u nabadeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay in naxariiistiisa janno uu ka waraabiyo dhamaan dadkii ku dhintay dagaalkaas, inta dhaawacantayna waxa uu Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Dagaal xooganaa oo shalay ka dhacay degaano hoostaga degmooyinka Raagaceelle iyo Cadalle una dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 15 Ruux, iyada oo Guryo dhowr ah lagu gubay

Like it? Share it!

Leave A Response