DFS Oo Shaacisay Tirada Maxaabiis Looga Qabtay Ciidankii Weeraray Balad-Xaawo

by admin | Monday, Jan 25, 2021 | 315 views

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka hadlay dagaalkii xalay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Wasiir Janan ku dhexmaray degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Wasiir Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya iyo kuwo Jabhad ah oo ay soo hubeysay dowladdaas ay weerar ku soo qaadeen Balad-xaawo, uuna halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka kala duwan.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Kenya ee kasoo talaabay xuduudka labada dal ay bartilaameedkoodu ahaa inay qabsadaan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, hayeeshee Ciidanka Xoogga dalka ay ka hortegeen, ayna iska difaaceen.
Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in Jabhada ay soo hubeysay Kenya khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay dagaalkii dhacay, isla markaana xusay in Ciidanka dowladda ay u diyaarsanaayeen mar kasta difaaca dalka.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Warfaafinta ayuu xusay in in ku dhow 100 Askari looga qabtay dagaalka Ciidankii lasoo hubeyay ee doonayay inay qabsadaan degmada Balad-xaawo, wuxuuna caddeyay in aysan dooneyn inay soo bandhigaan xiligaan.

Si kastaba khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacn ayaa ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Balad-xaawo oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwo uu hoggaaminayay Wasiir Janan, waxaan Jubbaland ay sheegtay in ay qabsadeen xarumo ku yaalla halkaas

Like it? Share it!

Leave A Response