DFS oo sheegtay in Jabuuti Kenya ku taageertay faro-gelinta Arrimaha Soomaaliya

by admin | Wednesday, Jan 27, 2021 | 293 views

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddigii xaqiiqo raadinta ee loo xil saaray arrimaha khilaafka Soomaaliya & Kenya iyo xaaladaha kajira xaduudka labada dal ay ka been sheegeen halka uu salka ku haayo khilaafka soomaaliya & Kenya.

Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood oo isugu jira Hal xubin oo ka socota Urur Goboleedka IGAD & lix Xubnood oo ka socda dowladda Jabuuti ayaa IGAD waxaa ay u xilsaartay in lagu ogaado xaaladaha kajira xaduudka Soomaaliya & Kenya ee dhinaca gobolka Gedo ee sababay khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya & Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay in guddiga ay noqdeen kuwo hal dhinac ah oo gudbiyay hadalo ay kasoo xigteen Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Monica Juma, kaas oo dowladda Soomaaliya ku noqday amakaag, isaga oo guddiga ku eedeeyay inay dhowr jeer ku laab laabteen Kenya, isla markaana ay diideen in la geeyo degmada Beled-Xaawo.

Wasiir Cismaan Dubbe oo shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay qodobada ay guddiga xaqiiqo raadinta ahaa gudbiyeen, isaga oo sheegay inay ahaayeen kuwo ay kasoo xigteen hal dhinac, waxaana kamid ah.

1: in tabashooyinkii ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay Kenya ay dhamaantood yihiin kuwo aan waxba  kajirin.

2: In ku xadgudubka diyaaradaha Kenya ee hawada Soomaaliya ay Soomaaliya ku sheegeen inay qaldan tahay oo aysan u kala saarin diyaaradaha Xamuulka qaada & kuwa rakaabka caadiga ah.

3: In Ciidamada Kenya aysan kusoo xadgudbin dhulka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca xaduudka, iyada oo la ogyahay in Ciidamo Kenyan ah oo ka tirsan AMISOM inay joogaan Gudaha Soomaaliya.

4: In arrinta khilaafka keentay ee xiriirka loogu jaray Kenya  uu salka ku haayo arrin hore oo ka dhaxeeysay Soomaaliya & Kenya.

5: in Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ka bixin degaano muhiim ah, sida Faxfaxhduun, Buusaar iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo dad Soomaaliyeedna lagu dhibaateeyay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in dowladda Soomaaliya ay aad u soo dhaweeysay markii guddiga la sameeyay balse qodobada iy natiijada ay soo saareen aysan ku qanacsaneyn, isla markaana ay ku noqotay fajac iyo amakaag.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ma shaacin Go’aanka ay dowladda Soomaaliya qaadan doonto maadama aysan ku qancin Go’aanka Guddiga, isaga oo sheegay inay rajo ka qabaan inay guddiga iyo dowladda Jabuuti raali-gelin bixin doonaan.

Dowladda jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha teegaara dowladnimada Soomaaliya, waxaana degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM, iyada oo aan la ogeyn jawaabta ay dowladda Jabuuti ka bixin doonto eedeynta uga timid Dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response